Jacaylka dhabta ahi waa ka ay labada Ruux nafahooda isku huraan isla markaana mid kastaaba ka kale ka damqado haddi dhibi soo gaadho .

Labada lamaane ee is jeceli waa kuwa ka fikira sidii ay noolol u wadaagi lahaayeen,dhacdadan ayaa waxa ay ka Warramaysa Haweenay Markii Arooskeedu dhacay Saacado kadib geeriyootay .

Haweenaydan oo magaceeda la yidhaahdo Haid’s Ledance ayaa waxa sanadkii 2016kii ay dhakhaatiirtu ku war galiyeen in ay Qabto Cudur halis ah cudurkaasi oo ah Kansarka Naasaha .

Intaasi kadib waxa arrintii Maqlay nin ay aad isku jeclaayeen oo magiciisa la yidhaahdo Davide Mosher ayaa u dajiyay niyada waxa aanu u sheegay in uu garab taaganyahay oo aanu marnaba ka tagaynin.

Intaasi kadib waxa ay go’aan ku gaadheen in ay is guuradaan sanadkii 2017kii waxa aanay dhakhaatiirtu sheegeen in aan laga gaadhsiin karin arooskooda maadaama oo uu Cudurkii gaadhay Maskaxda ,balse labadani lamaane ayaa ku go’aansaday in ay is guursadaan si kastaba ha ahaatee.

Nasiib Darro kadib markii uu arooskoodii dhacay Saacado lagu sheegay 24 saacadood ayaa ay geeriyootay Haid’s,Davide ayaa sheegay in uu aad uga murugaysanyahay arrintaasi isla markaana uu aad uga naxay .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA