Hawraar (Hawai) Dhibaataynta iyo sidoo kale Ciqaabta aadka u xun ee Xaywaanka noocyadiisa kala duwan lagu la  kacaa waa arrin aad u fool xun oo aan haboonayn.

Toddobaadkii hore ayaa waxa dacwad lagu soo oogay nin u dhashay Dalka Sucuudiga oo Ay inta uu xadhig ki xidhay dhulka jiidayay ilaa iyo intii uu ka dhimanayay.

 

Dalka Maraykanka gaar ahaan Gobolka Hawai ee Dalkaasi ayaa waxa ka dhacday dhacdo ka daran taa lagu ciqaabay ninkaasi Sucuudiga ah .

Dhacdadan ayaa waxa Baahiyay Wargeyska Daily Mail waxa aanay dhacdadadaasi ka warramaysay haweenag Ay Gaadhigeeda ku xidhay intaasi kadib waddoyinka la maraysay iyada oo Aygiina daba jiitamayo ,intaasi kadib ayaa waxa arkay Baabuur ka dambeeyay wadihii baabuurkaasi ayaa u sheegay in uu Ay ka laadlaado xaga dambe ee baabuurkeeda waxa aanu ka duubay muuqaal uu arrintaasu ku xaqiijinayay .

Dadka ku dhaqan Gobolkaasi ayaa waxa ay ky baaqeen in haweenaydaasi talaabi sharci ah lafa qaado.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA