Hay’ada Caafimaadka Aduunka ee magaceeda loo yaqaano WHO ayaa waxa ay dhakhaatiirta iyo guud ahaan shaqaalaha ka hawl dhakhtarada u gaarka ah hooyada iyo dhalaanka ay la feejignaadaan dhalmada degdega ah taasi oo macnaheedu yahay qalniinka la qalo dumarka umulaya.

Hay’ada Caafimaadka Aduunka ayaa sidoo kale ka digtay qalniinada aan loo baahnayn ee lagu fuliyo haweenka umulaya waxa aanay sheegeen in qalniinada noocaasi oo kale ay kor u sii kacayaan muddooyinkan dambe,waxa kale oo hay’adu ay sheegtay in sanadkii ay 140 Millyan oo dumara si caadi ah ay u dhalaan .

Qaar ka mid ah madaxda hay’adaasi ayaa waxa ay sheegeen in qalniinka noocaasi ahi uu dhibaatoo ku keenayo haweenka lagu fuliyo isla markaana uu ka hor is taagayo sidii ay caruur tira badan u dhali lahaayeen .

Si kastaba ha ahaatee go’aankani ayaa soo baxaya xili guud ahaan ba aduunka si degdeg ah loo qalo haweenka ay fooshu ku yara dheeraato isla markaana loo adeegsado dawooyin aan caafimaadkooda iyo mustaqbalkood dhalmaba saamayn ku yeelanaya .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.ner/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA