Hay’ada Caafimaadka Aduunka ee WHO oo xaqiijisay in Caadaysiga Xad Dhaafka ah ee Ciyaaraha Sida “Playstation” oo Kale ay tahay Xanuun!

Ciyaaraha kala duwan ee lagu Ciyaaro Telefiishanka ay ka mid tahay ciyaarta aynu wada naqaano ee “Playstation-ka” ayaa waxa la ogaaday in la qabsigeeda xad dhaafka ahi uu yahay xanuun.

Arrintani ayaa waxa xaqiijisay Hayada Caafimaadka Aduunka ee WHO waxa aanay la qabsiga xad dhaafka ah ee Ciyaarahaasi ku sheegtay hayadu in ay tahay Xanuun.

Afhayeenka Hayada Caafimaadka Aduunka ee magiciisa la yidhaahdo Tarik Jasarphich ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay ayaa waxa ka mid ahaa hadalkiisa “In la qabsiga xad dhaafka ah ee Ciyaaraha lagu ciyaaro Telefiishanka ay tahay Xanuun,waxa aanu ku soo daro Doona Qaa’imadayada 11aad ee Xanuunada aanu shaacin doono bisha July ee soo socota”.

Guud ahaan Dunida ayaa waxa aad looga isticmaalaa ciyaarahaasi kuwaasi oo ay khubarada Caafimaadka Dunidu ku sheegeen in ay Saamayso Caafimaadka Makaxda qofka sidaasina ay ha’yada Caafimaadka Aduunku ee WHO ay ku xaqiijisay arrintaasi.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com