Hees aad u qurxoon oo uu ku amaanayo Abwaan Mukhtaar Cabdi Xaashi oo ka Mid ah Haldoorka Maansooyinka Dalkea Somaliland Magaalada Hargiesa ,Magaala Madaxda Dalkeen ee Hargiesa ayaa waxa ay ku caan baxday jawigeeda qurxoon iyo waliba abwaanada ka soo jeeda ee u dhashay .

 

Abwaan Mukhtaar Cabdi Xaashi ayaa waxa uu u ku dhashay Magaala Madaxda Dalkeena waxa aanu ku bilaabayaa Heestani erayo ku cabirayo Jacaylka uu u hayo Magaalada Hargiesa iyo waliba in ay tahay Magaalada uu ku dhashay kuna bartay hadalka iyo socodka .

hoos ka akhri erayada heesta :

 

 

Abwaan:Muktaar Cabdi Xaashi

 

 

Halkii aan Ku ababiyo
Hanaqaadka meeshaan
Ka bilaabay hadalkaay
Heesi kuu dhamaatoo
Howraar lagugu sheegyoo
Hargaysaay waxaad tahay
Hoygii abwaankiyo
Hal abuur farshaxaniyo
Heesaaga caanbaxay
Xaruntii haldoorkaay
Halka laga hub qaatee
Halgamaagu joogee
Waligaa hore u soco
Hargaysaay waxaad tahay
Meel loo hilooboo
Dadku higsadaanoo
Hibo waxaad u leedahay
Dad hankooda muujoo
haybadoodu sharaf tahay
Hablo muuqa quruxdiyo
Ad haldhaaga moodoo
Hidihiyo asluubtana
Dhaqankooda haystoo
Hubqaad lagu majeertoo
Hargaysaay waxaad tahay
Meel loo hilooboo
Hawadeedu wacantay
Ducaan kuu hibeeyee
Waligaa hore u soco.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA