Heesta can’t remember To Forget You Ee Shakira Iyo Rihanna Oo 400-Milyan Qof Daawatay Rikoodhka Youtube-kana Jabisay

Mid ka mid ah heesaha albanka muranka badani ka dhashay ee Can’t Remember To Forget You, ee ay wada jirka u qaadayaan, Fanaaniinta caanka ah ee Shakira iyo Rihanna ayaa, jabisay rikoodhka daawashada ka dib markii ay dadka ka daalacday boga internet-ka ee Youtube, kor u dhaafeen, afar boqol oo milyan oo qof.

In kasta oo heesta magaceeda aynu kor ku soo xusnay, dad badani aad u dhaliileen, markii ay soo baxday, isla markaana qaabka ay hablahaasi u qaadayaan laga biyo diiday, farsamo ahaana aad loo naqdiyay, haddana waxay noqotay mid daawadayaashii ugu tirada badnaa heshay.

Barta internet-ka ee Hollywood Live oo ka faalooday heestan ayaa ku tilmaamay inay ka mid tahay, kuwa ugu liita dhinaca akhlaaqda iyo muuqaalka farsamo, laakiin waxa faaladan lagu cadeeyay sida ay taageerayaal badan uga heshay dunida.

Sida la sheegay waxa kilibkan la galiyay shabakada Youtube, bishii koowaad ee sanadkan aynu ku jirno, waxaanay ku jirtaa muddo sagaal bilood oo wax dhiman lagu qiyaasay, laakiin waxa dadka daawaday ay kor u dhaafeen afar boqol oo milyan oo qof.

Waxyaabaha dadka sii jeclaysiiyay daawashada heestan ayaa waxa ka mid ah, qaabka ay u ciyaarayaan, labada fanaan ee heesta wada qaadaya, taas oo aad uga yaabisay dad badan.

HALKAN KA DAAWO HEESTA

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply