Guud ahaan Caafimaadka Bani Aadamka ayaa waxa xiliyaddan dambe loo adeegsadaa qalab kala duwan kuwaasi oo loo adeegsado baadhitaanka cudurada kala duwan iyo sidoo kale dhibaatooyinka uu qofku ka cabanayo,sidoo kale waxa jira qalab tira badan oo loo adeegsado Fulinta qaliinada kala duwan.

Aalada: Meganic resonance imaging

Nin u dhashay Dalka Hindiya ayaa waxa dilay Qalabka Magnetic Resonance Imaging oo ah qalab caafimaad oo lagu baadhi guud ahaan jidhka qofka,sawirada uu qalabkaasi soo saaro kadib marka qofka la dhex galiyo.

Ciidamada Amaanka Mombai ayaa waxa ay sheegeen in nin magiciisa la odhab jiray Rajesh Maro oo ay da’diisu ahayd 32 jir uu geeriyooday kadib markii uu galay qolka uu qalabkaasi yaalay isaga oo sitay quraarad Oxygen ah isla markaana u soo diyaar mgaroobay baadhitaan caafimaad oo qalabkaasi lagu samaynayay.

Qalabkani ayaa waxa ay dhakhaatiirtu sheegeen in uu soo jiito walxaha macdanta ah iska markaana ay dhakhaatiirtu ka digaan in alaab noocaasi laka galo qolka uu qalabkaasi yaalo ,ciidamada Amaanka Mombai ayaa waxa ay sheegeen in ay xihdeen hal dhakhtar isla markaana la baadhayo sababta arrintaasi keentay.

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA