Haweenay u dhalatay Dalka Hindiya ayaa waxa ay ku kacday arrin aad u la yaab badan haweenaydan ayaa waxa ay iska dhigtay Nin waxa aanay guursatay laba dumara oo u dhashay Dalkaasi.

Sababta ku kaliftay in haweenaydaasi ay iska dhigto ninka ayaa waxa ay ahayd in ay ku hesho lacagta meherka ee haweenka u dhashay dalkaasi ay siiyaan ragga guursanaya .

Gabadhan oo haatan da’deedu tahay 25 jir ayaa waxa magaceeda la yidhaahdaa Sweety Seen waxa aanah samaystay Facebook u gaar ah oo ay ku qoratay magac nin ragga ah kaasi oo ah Kariishna waxa aanay iska xiirtay timaha oo ay ka dhigatay sida timaha ragga oo kale waxa kale oo ay xidhan jirtay dharka raggu xidhaan .

Gabadham ninka iska dhigtay ayaa waxa fashiliyay haweenah nin u haysatay oo siisay lacagtii meherka waxa aanay haweenaydaasi sheegtay in ay sida ragga u dhaqmi jirtay oo ay khamriga iyo sigaarka cabi jirtay isla markaana ay garaaci jirtay,balse nasiib darro isla markiiba waa ay ogaatay in ay gabadh tahay waxa aanay arrintii gaadhsiisay ciidamada billayska ee dalkaasi oo haatan gacantan ku haya Sweety .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA