Shakigu waa aafo halis ah isla markaana qofka uu shaki ku dhaco waxa uu noqonayaa qof si toos ah ugu hogaansan go’aamada Qaldan ee ay naftiisu ku hagto .

 

Nin u dhashay Dalka Hindiya ayaa waxa uu qudha ka jaray Gabadh uu aad u jeclaa kadib markii uu ka shakiyay in ay khiyaamayso isla markaana ay xidhiidh la leedahay .

Ninkan oo magiciisa la yidhaahdo Beritish Patel ayaa waxa uu qudha ka jaray Gabadhii uu jeclaa oo magaceeda la odhan jiray Sarjet Sing .

Beritish ayaa waxa uu gabdhaasi la jaray Madaxa kadib markii uu ka shakiyay in ay nin kale ay xidhiidh hoos ahaaneed la leedahay .

Ciidamadda amaanka ee Dalka Hindiya ayaa sheegay in Beritish gacanta ku soo dhigeen isla markaana Sharciga la soo taagi doono maadaama oo uu badheedhay Dilka gabadhii uu jeclaa.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA