Haweenay u dhalatay Dalka Hindiya ayaa waxa ay soo gashay Dhakhtarka magiciisa la yidhaahdo Thane Civil ee oo dhakhatar xukuumiya ah kuna yaala Tuulada Bhadvad waxa aanay ka xaday ilma yar oo jiray 5 saacadood.

Haweenayda ilmaha yar laga xaday oo magaceeda la yidhaahdo Mohini Bhavar ayaa waxa ay sheegtay in Abaaro 1dii habeen ay dhakhtarka soo gashay haweenay taasi oo ay filaysay in ay ka mid ahayd shaqaalaha dhakhtarka,Mohini ayaa waxa ay sheegtay in ay isla markiiba hurdo qabatay oo ay seexatay.

Mohini ayaa waxa ay hurdadii ka toostay saddex saacadood kadib waxa aanay iska ag wayday ilmihii yaraa ee ay umushay .

Dalka Hindiya ayaa waxa 6dii daqiiqaba la xadaa ilma yar waxaana lagu tilmaama in uu Dalka ugu xadista badan waxaana lagu qiyaasaa tirada caruurta ee la xado sanado 105 kun oo caruura kuwaasi oo qaarkood la iibiyo qaarna lagu shaqaysto.

Ilmaha yar ee haatan laga xaday haweenayda Mahini ayaa waxa lagu muddo ka yar 10 ilbidhiqsi waxa aanay taasi cadaynaysaa in xadista ilmahaasi ay ahayd mid la soo qorsheeyay.

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA