Hogaamiyihii Xisbiga Islaamiga Ah ee Bangladesh Oo La Deldelay

Wasiirka Cadaaladda dalka Bangladesh ayaa si rasmiya u shaaciyay in la daldalay Hogaamiyihii Xisbiga  Islaamiga ah ee waddankaasi Motiur Rahman Nizami kadib markii lagu helay Danbiyo dagaal oo uu galay intii uu socday Dagaalkii  Bangladesh kaga Go’aysay Bakistan inteeda kale sida ay sheegtay Xukuumaddu.

Daldalaada Hogaamiyihii Xisbiga Jamaat-e-Islami ayaa ka dhacay Jeelka dhexe Magaalada caasimada ah ee Dhaka.

Maxakadda ayaa hore u sheegtay in NIZAMI lagu helay danbiyo ay ka mid yihiin  xasuuq,kufsi iyo jirdil  balse dadka Isgaa taageera ayaa Eedahaasi ku tilmaamay qaar aanay waxba ka jirin

Boqolaal Qof oo ka xun deldelaada Wadaadkan ayaa isaugu soo baxay goobo ka mid ah magaalada Casimada ah iyo magaalooyin kale, Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay.

Qaar ka mid ah Hay’addaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa canbaareeyay Dilka Hogaamiyahan.

 

Faalo Ka Dhiibo

comments