Hollywood oo Ka Cadhaysan Sababta Madaxweyne Obama Arooska Dabaakhiisana U Tagay Ka George Clooney Uga Baaqsaday

Iyada oo uu fooda ina soo saartay wakhtiga lagu wado in xaflad wayn dalka Talyaaniga loogu qabto, arooska George Clooney iyo gabadha garyaqaanada ah ee Amal Alamudin ayaa waxa soo baxaya warar sheegaya in aanu madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ka qayb gali doonin arooskaas.

obama_11Haddaba waxa markii warkaasi soo baxay wax laga waydiiyay afhayeenka aqalka cad ee Maraykanka looga taliyo, kaas oo cadeeyay in aanu Madaxweyne Obama ka qayb gali doonin arooskaas, wakhtiga uu afhayeenku ka jawaabayay su’aashan waxa uu Obama iyo xaaskiisu ku maqnaayeen ka qayb galka arooska dabaakhiisa gaarka ah kaas oo ka dhacayay duleedka magaalada New York.

Sida wararku xuseen xubno badan oo ka mid ah xidigaha reer Hollywood ayaa aad uga cadhooday go’aankaas, Madaxweyne Obama la sheegay inuu kaga baaqday ka qayb galka arooska aktarkaas, wayn oo ay rejaynayeen inuu Obama hormood ka noqon doono dadka Madaxda ah ee ka qayb galaya.1409440802288_wps_9_This_photo_taken_Jan_1_20

201409010324880(1)In kasta oo aan la ogayn in Madaxweynayaal iyo boqoro ama dad masuuliyad waddamadood ka hayaa ay ka qayb gali doonaan, arooskaas, haddana waxa aad loogu han wayn yahay in marti sharaf badan oo hogaamiyaal ku jiraan ka soo qayb gali doonaan.

Waxa ilaa wali la hubaa inuu arooskaas ka soo qayb gali doono Madaxweynaha dalka Lubnaan sidoo kale waxa la filayaa in, madax kale oo ay saaxiibo yihiin aktarkaasi iman doonaan, laakiin ilaa wali sababta Obama uga baaqday lama garanayo, iyada oo labada qof ee is guursanaya ay dhalashada Maraykanka haystaan, kana yihiin dalkaas laba qof oo caan ah.

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply