Hooyo Ingiriis Ah Oo Booliska U Fududaysay Qabashada Tuug Xabaalaha Xadi Jiray

 

Sida jariirada Daily Mail ee Dalka Ingiriiska ka soo baxdaa ku warantay, Hooyo magaceeda loo soo gaabshay, Hollande ayaa booliska iyo ciidamada ammaanka ee dalkaas u fududaysay qabashada nin tuug ah oo 46-jir da’diisa lagu qiyaasay kaas oo si gaar ah u bartilmaameed san jiray, xabaalaha carruurta kana xadi jiray, alaabta ay waalidkood hadiyada ugu keenaan.

Hooyadan ayaa iyadu aad uga war warsanayd hadiyado ay gaysay xabaasha ilma yar oo bari hore ka dhintay, balse mar walba ay arki jirtay iyada oo aan ool marka labaad ee ay xabaasha ku noqoto, waxaanay hooyadaasi isku dayday inay ku xidho kamarad duubta dhaq dhaqaaqa xabaasha ka garab dhaca inta ay ka maqan tahay.

Hasa yeeshee sida ay xustay waxa talo ka fudud kamarada siisay gabadh ay saaxiibo yihiin, taas oo kula talisay in hadiyada danbe ee ay gaynayso qabriga ay ku xidho, JPS ama aalada dhaq dhaqaaqa waxa lagu xidho lagu ogaan karo.

 

 

Figradaas ayaa sababtay in hooyadaasi ogaato tuuga xada xabaalaha carruurta kana qaata alaabta dadka kiristaanka ahi, hadiyada ugu geeyaan carruurtooda ee ay u aaminsan yihiin inay arkayaan carruurtoodu.

Sida ay ku warantay jariirada Daily Mail, ninkan ayaa markii mid ka mid ah caruusadaha hadiyada waalidiintu ugu geeyaan, carruurtooda dhimatay lagu rakibay qalabka lagula socdo dhaq dhaqaaqa qof, si deg deg ah loo qabtay, waxaana gabadha ku rakibtay ay ku daba gashay sidaa iyadoo la kaashanaysa booliska, ilaa ugu danbayntii laga soo qabtay.

Sida boolisku u sheegay wargeyska waxa ninkaas gurigiisa loogu tagay qalab faro badan oo ah kuwo dadka Kiristaanka ahi, hadiyada ugu geeyaan carruurtooda ka dhimatay kuwaas oo uu ka xaday xabaalaha iyo goobta loo galiyo carruurta gaalada ah qalabka ay hadiyada waalidkoodu ugu geeyaan marka ay dhintaan.

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply