Hotel Loogu Tala galay Dumarka Murugaysan Oo Laga Furay Japan. (Hotelka Lagu Ooyo)

Hotel ku yaala Caasimadda Japan ee Tokyo ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inuu billaabay adeeg cajiiba oo aan isagoo kale horay loogu arag Caalamka.

Masuul u hadlay Hotel-ka la yiraa Mitsoy Garden Yotsoya ayaa isagoo sharraxaya adeeggan wuxuu tilmaamay inay diyaariyeen Qolal u gaar ah Haweenka murugeysan ee doonaya inay helaan meel ay ku nafisaan.
Qolalkan waxaa loogu magac daray “Qolalka Oohinta”, waxaana midkiiba lagu kireynayaa lacag dhan 10 kun oo lacagta Japan ee Yan-ta loo yaqaan ah una dhiganta $83.
Waxaa intaas dheer in Qolalkan lagusoo bandhigayo Filimaan caan ah oo loogu tala galay inay Haweenka ka caawiyaan is hilmaansiinta murugadooda.
Sidoo kale qolalka waxaa ku diyaar ah Go’yaal diirran oo sariiraha lagu goglayo, Waraaqaha Softga loo yaqaan oo kuwo jilicsan ah iyo agab kale oo raaxo iyo diirranaan laga helayo.
Hotelku wali ma uusan sheegin inuu sidan oo kale u diyaarin doono qolal iyagana loogu tala galay Ragga murugeysan.

TheSocial_WomanCrying_Main

shutterstock_149418653

shutterstock_271647407

1430870089290

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com