Idaacada BBCda Oo Soo Bandhigtay Muuqaalka Xabaashii Marxuum Axmed Xasan Cawke (SAWIRO)

Wariye Ka Tirsan Idaacada BBC Oo Gaadhay Xabaasha Lagu Aasay Wariye Cawke Ka Dib Markii Masuuliyiinta Idaacada BBC U Wakiisheen Inuu Tacsi Gaadhsiiyo Qoyskiii Uu Ka Baxay

Waxa maanta oo Arbaca loo fadhiyaa ducada Geerida Marxuum Axmed Xasan Cawke waxaana Idaacada BBC Oo Uu hore uga tirsanaan jiray ay ku taliyeen in wariye ka tirsan loo diro magaalada Wajaale gaar ahaan Xabaasha uu ku aasan yahay Marxuum Axmed Xasan Cawke waxaana Masuuliyiinta BBC Wakiisheen Wariye Cabdirisaaq Xaaji Catoosh isagoo safar deg deg ah oo aan hakad lahayn ku soo gaadhay Jig Jiga ugana soo baxay wajaale waxaana uu ugu danbayn soo gaadhay xabaasha uu ku aasan yahay Axmed Xasan Cawke Wariye catoosh oo qoraal soo dhigay Bartiisa Facebook Ayaa ilaahay uga baryay Marxuumka inuu naxariistii Jano Ka waraabiyo
“Ilaahoow adiga ayaa na abuuray. Adiga ayaanan kuu noqon doonaa.
Waa qabrigii walaalkeen marxuum Axmed Xasan Cawke oo shalay lagu xabaalay magaaladda Wajaale.
Inkastoo aanan haleelin aaska marxuumka hadana maanta ayaan booqday qabriga iyo ehelka uu ka baxay walaalkeen.
Dhaamaan reer Xasan Sheekh Suufi ilaahay ha idin boogadhayo.
Sidoo kale tacsidii maanta waxaa ka qayb qaatay dhamaan asxaabta BBC oo telefoonka ugu soo tacsiyadeeyey walaasheen Canab Xasan Cawke.
Eryada qalbigayga taabtay ee ay Canab maanta igu tiri waxaa ka mid ahaa. Walaalkay waa uu dhintay balse idinkoo dhan ayaa walaalo ii ah.
Waxaan u mahad celinayaa asxaabtayda BBC ee ku talisay inaan tacsida imaado.”
12234953_10153441178959064_4543582454936992190_n

12243323_10153441178649064_984676248861097403_n

12246821_1666472163570213_8485743109836220548_n

12240062_10153441178734064_2006159872684994235_n

12240062_10153441178809064_4093612850866530430_n

12249742_10153441179064064_6355260339936144096_n

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com