Iiran Oo Xukun Deldelaad Ah Ku Fulisay Dhalinyaro Kufsi Iyo Tuugo Gaystay

Ciidamada ammaanka dalka Iiraan ayaa xukun dil ah oo del delaad ah ku fuliyay, shan nin oo dhalinyaro ah, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ku kaceen kufsi iyo tuugo danbiyo isugu jira, waxaana shantaas nin ee dhalinyarada ah afar ka mid ah lagu del delay fagaare ku yaala Magaalada Shiiraas.

Sida ay ku warantay wakaalada wararka rasmi ahaan ugu fidisa dalkaas ee Faris Press, dhalinyaradan la del delay, ayaa maxkamada horteeda ay ka cadaadeen danbiyada galaaftay noloshooda, waxaana afar ka mid ah ragaasi lagu soo oogay ilaa dhawr iyo lixdan kiis oo la xidhiidha tuugo, cabsi galin, budhcadnimo iyo kufsi.

Sida uu sheegay garsoore ku xigeenka maxkamada xukunkan ku riday ragaa la del delay oo lagu magacaabo, Ahmed Saar, danbiilayaasha midka ugu yar waxa ku cadaaday tobanaan danbi oo uu galay, waxaana xukunka ugu danbeeya ee ay ku muteen noqday in la dilo oo waliba del delaad loo adeegsado fulinta xukunkooda.

Ninka shanaad ayaa isna del delaadiisa lagu fuliyay fagaare ku yaala magaalada Karaj ee duleedka galbeed ee caasimadda Tehran ku taala, waxaana ninkaasi lagu eedeeyay inuu faro xumayn iyo dhaqan biisnimo kula kacay hable dhalinyaro ah oo arday ah.

Dalka Iran waxa sanadkii tagay ee 2013-kii oo kaliya xukun del delaad ah lagu fuliyay 642-qof, sida lagu shaaciyay, warbixin uu soo saaray, xafiiska xuquuqda aadamiga dadka reer Iiran ee fadhigiisu yahay dalka Maraykanka, halka lixdii bilood ee sanadkan 2014-ka inta qof ee dil del delaad ah lagu fuliyay dalkaas tiradooda lagu qiyaasay ilaa labo boqol iyo sadex boqol inta u dhaxaysa.

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply