Iiran:Dawlada Dalkaasi oo Dugsiyada Hoose ka joojisay Barashada Luqada English-ka!

Dawlada Iiran ayaa waxa soo saartay Go’aan ay dadkeeda kaga joojisay Barashada Luqada English-ka gaar ahaan Dugsiyada hoose .

go’aankani ayaa waxa iska lahaa Sheekha ugu Sareeya Dalkaasi ee loo yaqaano Al-Murshid Al-aclaa “Khaamini” iyo sidoo kale Shuyuukhda Dalkaasi ee ka ag dhadhaw .

 

Luqadan ayaa waxa ay ku sheegeen in ay tahay Luqad Gumaystee isla markaana Dadka Barta ay Maskaxda ka qabsato waligoodna ay ahaanayaan Dad Maskaxda laga haysto oo Reer galbeedka u hogaansan .

 

Hogaanka sare ee Waxbarashada Dalkaasi Mahdi Nawid Ad’ham oo la hadlay Telefiishanka Dalkaasi ayaa waxa uu sheegay in Dugsiyada hoos dhexe ee Xukuumiga ah iyo kuwa aan xukuumiga ahayn labadaba haddi lagu arko amase la ogaado in ay Ardayda luqadaasi baraan ay tahay arrin khilaafsan qaanuunka waxbarashada ee Dalkaasi isla markaana laga qaadi doono talaabo sharci ah .

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com