Cusbitaal  gaar loo leeyahay oo ku yaalla waddanka Gabon ayaa sii daayey ilmo 5 billood jir ah kaddib markii ay haysteen tan iyo markii ay dhalatay sababo lala xidhiidhiyay in hooyadeed ay awoodi weyday qarashkii ku baxay xilligii ay dhalaysay gabadheeda.

Hooyada gabadhan dhashay ayaa BBC-da u sheegtay in ay ku faraxsantahay in ay dib u la kulanto ilmaheeda yar.

 

Waxaa la billaabay olole lagu caawinayo qoyskan oo looga bixinayo kharashka isbitaalka oo dhan in ka badan 3 kun oo dollar.

Madaxweynaha waddanka Gabon Ali Bongo, ayaa ka mid ahaa dadkii ka qaybqaatay ololaha tabarucaada.

Angel oo shan bilood isbitaal lagu haystay

Wariyaha BBC-da Charles Stephan ,ayaa sheegay in agaasimaha isbitaalkaas la dhigay xabsigga maalintii Isniinta ahayd isagoo lagu eedeeyay falal afduub uu kula kacay canug yar. Balse dacwadaasi ayaa lala laabtay maalin ka dib amrkii lagu soo oogay.

Hooyada ilmaha ayaa ka cabatay in ilmaheeda aan la siinin tallaal.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA