Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!

IMAARAADKA:HAWEENAY SAYGEEDA KHIYAAMAYSAY KADIB MARKII AY BARATAY ISTICMAALKA MAANDOORIYAHA!

Dalka Imaaraadka ayaa waxa ka dhacday arrin aad u fool xun taasi oo ay haweenay marwo ahayd isla markaana la qabay ay khiyaamaysay Saygeedii .

Haweenaydani ayaa waxa ay baratay isticmaalka maandooriyaha , si ay hadd iyo jeer u hesho maandooriyaha ayaa waxa ay la saaxiibtay arday jaamacadeed si uu ugu fududeeyo isla markaana uu ugu keeno maandooriyaha .

Nasiib wanaag waxa ogaaday saygeedii waxa aanu arrintaasi u gudbiyay ciidamada Inaarada Dubai ee Dalkaasi ,intaasi kadib ayaa waxa gacanta lagu soo dhigay haweenaydii iyo Ardaygii jaamiciga ahaa ee ay la saaxiibtay .

Haweenaydaasi ayaa waxa ay qiratay in xidhiidhkaasi khiyaamada ahi uu jiro oo ay wiilkaasi ula saaxiibtay in ay maandooriyaha ka hesho .

Haweenaydaasi ayaa waxa loo taxaabay xabsiga waxaana lagu fulin doona xukun maxakamadeed oo ciqaab u noqon doona sidoo kalana ardaygaasi ayaa waxa la sheegay in lagu xukumi doono dhaqan xumada uu ku kacay.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

WhatsApp chat
%d bloggers like this: