Dhakhaatiirta Dalka Irland ayaa waxa ay diiwaan galiyeen xaalad ka mid ah xaaladaha caafimaad ee aadka ugu Dunida.

Xaalada ay diiwaan galiyeen ayaa waxa ay tahay nin da’diisu tahay 84 jir oo ku nool kuna shaqeeya maskax aan dhamays tirnayn isla markaana qayb aad u muhiim ah oo maskaxda ahi ay ka maqantahay .

Ninkan ayaa waxa ay dhakhaatiirtu sheegeen in qayb ka mid ah maskaxdiisu ay leedahay dalool ay hawo ku jirto daloolkaasi oo cabirkiisa ay ku sheegeen in uu yahay 10cm .

Dhakhaatiirta ayaa sidoo kale sheegay in ninkani uu sidaasi ku dhashay isla markaana aanay ahayn dhaawac soo gaadhay amase xanuun muddadaa 84 sano ahna uu sidaasi ku noolaan jiray wax dhibaato ahina aanay soo waajihin ilaa iyo haatan .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA