Iska Ilaali Sababahan Ninka Ka Dhiga Inuu Ka Fikiro Furniinka.

Furniinku waa go’aanka uyu dambeeya uguna adag ee lamaanaha Allah tabaraka wa tacaalaa is raaciyay ay gaadhaan, isaga oo laga yaabo inuu dhinac kaliyaata ka imaado amaba laba dhinacba, waxaana waqtiyadan dambe soo badanaya furniinka gaar ahaan dadka ku nool wadammada reer galbeedka, iyadoo intii dhibaatadan xalkeeda la raadin lahaa iyada lafteedii xal laga dhigtay, hadaba xaliimo waxyaaba ninka ku kallifa furniinka ayaa usoo gudbinaysaa.. Ka faaidaysi wacan: >Marka aad naftaada dayacdid: Dhowr kiiloo oo miisaankaaga kusoo kordhaa sida dad badani ay rumaysan yihiin sabab uma noqoto in jacaylkii uu kuu hayay saygaagu hoos u dhaco, gaar ahaan marka miisaankani kaa soo raaco umusha aad noqotay, amaba da’da kugu korodhay, balse waxa dayacaadan looga jeedaa marka uu miisaankaagu is laba laabo, amaba kasii batoba, marka aad daryeeli waydo nadaafada jidhkaaga, timahaaga, cidiyahaaga iyo quruxdaadaba, ha ka yeelin saygaaga mid is idhaahda malaha waxaad guursatay ayaydaa waayo taasi waxay ka dhigaysaa inuu kaa caajiso isla markaana lagaba yaabo inuu halkaasi kaaga dhaqaajiyo. Marka aad noqotid qof negative ah oo markaste xumaanta ka fikira: Iima jeclid sidaad hore ii jeclaan jirtay, maaha tani nolshii aan islahaa waad ku noolaan doontaa, waad is badashay oo kaan aqaanay ma tihid, ma rabo ina la igu kaa arko waayo waa la igu kaa sawirayaa, kuma faraxsani agfadhiga aan ku ag fadhiyo, hadalladan iyo kuwa lamidka ah ee nagative-ka ah ayaa waxay raga dareensiiyaan sidii ay ku dhex jiraan qafas, waxaanay ka dhigaan qaar isku daya inay raadiyaan sidii ay uga firdhan lahaayeen qafaskan amaba xorriyadooda usoo noqon lahaayeen, waayo waxay dareemayaan in xorriyadii laga qaaday. Marka uu kaa dareemo inaad ku danaysanayso: Waxaa xaqiiq ah oo la wada ogyahay in inta badan ay lamaanaha is furaa isku af dhaafaan dhibaato maaliyadeed ama aduunyo, khilaafkan oo laga yaabo inuu ka imaado dhinaca haweenayda oo uu saygeedu u arko mid ku danaysanaysa, sida inay lacagta oo dhan ku burburiso shopping, waxaanuu arinkani ka dhex abuuraa darbi aan laga dhex gudbi karin oo marba marka ka dambaysa sii adkaada, sidaa awgeed waxay faaido.com kugula talinaysaa inaad saygaaga si fudud ugu faahfaahisid sababta lacagta aad u rabtid, isla markaana dareensiisid inaad ku bixinaysid wax naftaada ama ta qoyskaaga faaido u leh, oo aad san burburin u jeedin. Marka uu dareemo inaad hogaanka haysid: Xataa wadammada reer galbeedka ee ku dooda inay dumarku horeeyaan ayaa hadana waxa talada iyo go’aanka gacanta ku haya raga, maxaad u malayn inagoo umad muslima ah, taasi macnaheeduna maaha yaan la wada tashan oo wada tashi iyo shuuro marnaba lagama maarmo waana sida ay diinteena suubani ina farayso e, balse waxaad gabadheey ogaataa in ninkaanu aanuu si kaste oo uu miskiin u yahay marnaba ka raali noqon doonin inaad adigu hogaanka qabatid, amaba aad kaalintii isgaa loogu talo galay ku jirtid, iyo inaad go’aannada waawayn kaligaa qaadatid kadibna isaga ogaysiis ahaan uun u gaadhsiisid. Sababha furniinku maaha afatran qodob oo kaliya balse waxay 4tani kamid yihiin kuwa ugu muhiimsan.

suxufigadari@gmail.com

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply