Kalkaaliso Caafimaad oo u dhalatay Dalka Italy ayaa waxa lagu xukumay 30 sano oo xadhiga Kalkaalisadan caafimaad ayaa waxa lagu eedeeyay  dambi ah in ay dishay saygeedii iyo sidoo kale hooyadeed isla markaana uu dambigaasi ku cadaaday .

waxa aanay la heshiisay nin ay dhakhtar ka wada shaqayn jireen oo ay is jecladaan kaasi oo ka caawiyay sidii saygeedii iyo hooyadeed loo khaarajin lahaa .

Kalkaalisadan ayaa waxa magaceeda la yidhaahdaa Lura Taroni waxa aanay da’deedu ay tahay 41 jir sidoo kale dhkhtarka kala qayb qaatay falkan aadka u foosha xun ayaa waxa magiciisa la yidhaahdaa Linardo Castanega waxa aanay da’diisu tahay 62 jir .

Linardo oo ah Dr ku takhasusay Suuxdinta ayaa waxa uu Lura ka caawiyay sidii uu saygeeda iyo hooyadeed ugu mudi lahaa Irbad Suuxdineed taasi oo ay ka soo noqon waayeen .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA