Ubadku waa nimco uu Ilaahay SWT ku manaysto aadamaha mana jiro qof dooran kara nooca uu noqon doona Ilmaha uu dhali waxaana aad u la yaab badan dadka kala doorta isla markaana haddi ilmaha uu u dhashay aanu ahayn nooca uu doonayan gaaraca amase jidh dila isaga oo karaahiyaysanaya .

 

Sida lagu baahiyay shabakada Wararka Russia Today Aabo magiciisa la yidhaahdo Jason Bettner oo da’diisu ay tahay 33 jir ayaa waxa uu garaacay gabadh yar oo uu dhalay oo jirta saddex bilood oo kaliya,aabahan ayaa sheegay in uu gabadhaasu yar garaacay kadib markii ay oohin joojin wayday ee uu fahmi waayay waxa ay u baahantahay .

 

 

Wararka laga soo gudbiyay aabahaasi ayaa waxa ay yihiin kuwa ka duwan sida uu isagu sheegay waxaana la sheegay in gabadhiisa yari markii ay uurka ku jirtay uu filanayay in uu wiil u dhalan doona intaasi kadib markii ay dhalatay gabadhaasi yar oo aad uga xumaaday sidaasi awgeedna uu hadd iyo jeer u garaaco.

 

 

 

Aabahaasi ayaa waxa uu gabadhaasi yar uu u garaacay si arxan daro ah waxaanay dhaawacyo ka soo gaadheen Maskaxda iyo 12 meelood oo kale oo jidhkeeda ka mid ah ,ciidamada biilayska ayaa aabahanigacanta ku dhigay kadib markii uu gabadhaasi yar Dhakhtarka keenay isla markaana uu sheegay in uu gaadhi dhaawacyadaasi culus uu soo gaadhsiiyay arrintaasi oo waxba kama jiraan noqotay markii ay baadhitaano sameeyeen ciidmada Billyasku .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA