Jackie Chan Oo Sheegay Inuu Aad Uga Xumaaday Daroogada Lagu Qabtay Wiilka Uu Dhalay Kana Raali Galiyay Dunida

Sida wakalaada wararka Maraykanka ee (AP), ay ku warantay, jilaaga caanka ah ee Jackie Chan ayaa aad uga xumaaday, wiilka uu dhalay ee daroogada lagu qabtay Magaalada Beijing, waxaanu isaga oo ka xun arrintaas sheegay inuu ka raali galinay taageerayaashiisa dunida iyo shacabkiisa, fool xumada uu wiilkiisu u soo hooyay daroogada lagu qabtay.
Jackie Chan, ayaa hadalkiisa ku bilaabay, waan khajilsanahay oo waxaan dareemayaa ceebta gondahayga soo gashay, waxaan bixinayaa raali galin, falkaa foosha xun ee uu ku kacay, wiilka aan dhalay ee Jaycee Chan iyo jilaaga kale ee reer Taiwan ee la socday.

Aabo ahaan waxaan dareemayaa cadho, waan ka gubanayaa mana aha wax meesha qabta waxa sidaa yidhi Jackie Chan, waxa kale oo uu tilmaamay sida falkaas wiilkiisu ku kacay sumcad xumo ugu keenayso sharaftiisa.

Wiilka uu dhalay Jackie Chan, Jaycee Chan, oo 31-jir ah, iyo jilaaga reer Taiwan ee Kai Ko, 23-jirka ah, ayaa laga qabtay magaalada Beijing ee caasimadda Shiinaha, waxaana lagu helay daroogada nooca loo yaqaano, Marijuana oo guriga ay degan yihiin boolisku ka helay qiyaas dhan 100 grams oo u dhiganta (3.53 ounces).
Jackie Chan ayaa sheegay in wiilkiisu garanayo halista iyo sumcad xumada ay qoyskooda ku yeelan karto, falkaas xun ee uu ku kacay, kana xun yahay, laakiin aanay taasi noqon Karin wax uu bulshada iyo rayul caamka ku qancin karo.

Xadhiga wiilkan uu dhalay Jackie Chan ayaa ku soo beegmay wakhti dalka Shiinaha looga dabaal degayay labaatan sano guurada ka soo wareegtay, markii dagaalka iyo hawl galada ka dhanka ah daroogada waddankaasi hir galiyay, taas oo maamul ahaan ay u arkaan in si wayn loogu guulaystay.

Waxa kale oo Jackie Chan sii gubaya inuu isagu yahay qofka uu Madaxweynaha Shiinuhu u magacaabay, safiirka la dagaalanka daroogada ee dalka Shiinaha oo tan iyo intii Hong Kong Sanadkii 2007-dii dib Shiinaha loogu wareejiyay ka tirsan dalkaas, uu Jackie Chan ka mid noqday muwaadiniinta dal waynaha Shiinaha, waxaanu hore Madaxweynuhu jagadaas ugu sharfay sumcadiisa fiican ee uu dalkaas iyo dibadiisa labadaba ku leeyahay, taas oo wiilkiisan lagu qabtay daroogadu sharaf dil ku noqonayso.

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply