Ciidamada Dalka Japan ayaa waxa ay sheegeen in ay Gacanta ku soo dhigeen laba Waalid oo gabadh ay dhaleen oo Da’deedu ahayd 33 jir oo  ku dhex xidhay qol ku yaalay gurigooda halkaana ku geeriyootay.

Labadan Waalid ayaa gabadha ay dhaleen waxa ay qolkaasi ku xidheen 15 sano ka hor ,sababta keentay in labadan waalid ay gabadhooda sidaa u galeen ayaa waxa ay ahayd in ay aamineen in gabadhaasi ay qabtay xanuun dhinaca maskaxda ah kaasi oo sababayay in ay dhib gaysato.

Dhacdadan ayaa waxa ay ka dhacday degmada Ocawa ee Galbeedka Dalkaasi Japan,gabadhan ayaa waxa ay u dhinatay nafaqo daro waxa aanu miisaankeedu ahaa 19 kg isla markaana waxa ay ku dhex qalashay qolkii ay waalidkeed ku xidheen 15 sano ka hor .

Ciidamada Amaanka ee Dalkaasi ayaa sheegay in ay labada waalid ee gabadhani dhalay ay sheegeen in maalintii ba hal mar quudin jireen,sidoo kale waxa ay sheegeen in talaabo sharci ah laga qaadi doono labadaasi Waalid ee gabadhii ay dhaleen noolosha ku ciqaabay.

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA