Jasiiradaha Maldives Oo Dadka Kunool Loo Sheegay Inay Wada Dhiman Doonaan. Sababta ?

Jasiiradaha Maldives  waxay  ku yaalaan meel 400 km ka xigta koonfurta galbeed ee dalka Hindiya.  Tirada dadkeeda  waxa lagu qiyaasay 328 kun oo qof.

Laakiin waa goob soo jiidata dalxiisayaal gaadhaya 500 kun oo qof sanadkii.
Xeebteeda quruxda badan iyo qaabka ay u kaluumaysanayaan, goobaha dabaasha , cimilada xagaaga ee dhexdhexaadka ah ee lagu raaxaysto ayaa ka dhigay meel ay lamaanayaasha arooska ah ee dunida kala duwani ku qaataan bisha u horaysa “shaharul casalka” iyagoo dalxiis ku yimaadda.

Haddaba jasiiradahan ayay  saynis yahandu sheegeen in aanay muddo dheer sii jiri doonin.

Qiimayn la sameeyay sanadkii 2005 ayaa cadaysay in shacaabka badda Maldives uu nabaad guurayo oo uu noqonayo mid aan iska difaaci Karin duufaanada badda iyo daadka. Jasiiradahan ayuu waxyeelo gaadhsiiya Tsunami
sanadkii  2004-kii, iyadoo 10% ka mid ahna uu ka dhigay mid aan degitaan ku haboonayn. Tirada bulshada dhibaatadu gaadhay ayaa ahayd 33% dadka ku noolaa.

Sanadkii 2008-kii xafiiska Jamhuuriyadaa ayaa mar keliya war si deg deg ah u bixiyay, isaga oo sheegay in loo baahan yahay  geedi degdeg ah ka dib markii la sheegay in daad ku soo waajahan yihiin jasiiradaha. Waxaana la cadeeyay in jasiiradan ay mar kasta ku sugan tahay halis joogto ah.

 

sidaa darteed waxa lagula taliyey inay dhamaan kawada guuraan magaalooyinkan dadka ku nooli sababaha dhacay dartood

Dadka jasiiradan degan ayaa ku jira walaac io werwer joogto ah.

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com