Jennifer Lopez oo Sheegtay inay ku Guul Daraysatay Dhamaan Xidhiidadii ay Soo Samaysay

Heesaaga Caanka ah Jennifer Lopez ayaa si lama filaan ah u sheegtay inay ka fiirsan doonto Xidhiidh Kasta oo Ku Saabsan Nolasheeda kadib markii dhawaan ay isku dhaceen Marc Anthony oo muda sedax sano ah wada socdeen.

Jennifer Lopez Waxay sheegtay inay Dareemayso in lagu Xadgudubay taas oo ay ula jeeday in dhamaan Xidhiidhadii ay samaysay ahaayeen kuwa Natiijo la’aan ku dhamaaday.

Fanaanadan Caanka ah ayaa sheegtay inay ku guul daraysatay waxaanay intaa Ku dartey inay adag tahay in la helo jacayl dhab ah oo Leh dadnimo oo Nolasha lala  wadaagi Karo, sidaa daraadeed ayay ku adkaysatay in go’aan ku gaadhay Inay Ilawdo .

Fanaanada ayaa soo wada Albun cusub oo ugu magac dartay True Love waxaana albunkaa kaga hadlaysaa dhamaan Xidhiidhadii soo maray iyo guul darooyinkii ay ku dhamaadeen walow ay haysato 5 Caruur ah.

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply