Hawraar (Riyad) Cabashooyinka ay Boqortooyada Sucuudigu ka muujinayso gantaalada ay Xutiyuuntu la beegsadaan goobaha Muhiimka ah ayaa haatan waxa ay gaadheen in ay beegsadaan shacabkii caadiga ahaa .

Jilaaga Caanka ah ee u dhashay Dalkaaasi Sucuudiga Isla markaana ka mid ahaa jilayaashii ku soo Caan baxay Musalsalkii Ramadaanada ee Daash Ma Daash Cabdalla Al-sadxaan ayaa waxa uu sheegay in gantaal ay Xutiyiintu soo ganeen uu ku soo dhacay Gurigiisa.

Jilaaga oo ay ciidamada Amaanka ee Dalkaasi ay ugu tageen gurigiisa ayaa sheegay in aanu gantaalku ku soo wada dhicin balse qayba ka mid ah gantaalkaasi kadib markii ay ciidamada Difaaca ee Sucuudigu  Hawada ku burburiyeen ay ku soo dhaceen gurigiisa.

Jilaaga ayaa sidoo kale sheegay in aanay jirin wax khasaare ah oo arrintaasi ka soo gaadhay.

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA