Dadka u dhashay Dalka Jordan ayaa waxa ay aad uga xumaadeen Haweenay Dhunkatay Fanaanka Caanka ah ee u dhashay Dalka Masar ee Taamir Xusni.

Fanaanka Taamir Xusni ayaa lagu eedeeyay in uu sabab u yahay Dad badan oo taageerayaashiisa ka mid ah oo daba orda isla markaana qaarkood ay suuxaan .

Taageerayaasha Fanaankani ayaa waxa ay ugu magac dareen Fanaanka Jiilka ,haddaba Dadka u dhashay Dalka Jordan ayaa waxa ay aad ugu qaadaa dhigeen baraha Bulshada Sawir muujinayay Haweenay Da Waynayd oo dhabanka ka dhunkatay Taamir Xusni markii uu soo caga dhigtay Gegeda Diyaaradaha ee Al Malika Calyaa ee Dalka Jordan haweenaydan ayaa soo jiidhay dad tira badan oo fanaanka sop dhawaynayay waxa aanay gaadhay goobtii uu taagnaa isla markaana waxa ay ku guulaystay in ay dhabanka ka dhunkato .

Taamir Xusni ayaa iska difaacay eedaha ay qaar ka mid ah dadka dalkaasi u dhashay ay ku eedeeyeen oo ay ka mid tahay dhaqan xumo ,waxa aanu sheegay in taageerayaashiisu ay si niyad sami ah u taageeraan isla markaana niyadoodu ay saafi tahay oo aanay wax xumaan ahi ku jirin.

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA