Ka Ilaali Caafimaadka Kalyahaaga 9kan Waxyaabood Oo Keeni Kara Kalyo Xanuun.

Kalyahu waxa ay caafimaadka jidhkeena ka qaataan qayb libaax. Shaqooyinkoodana waxa kamid ah; samaynta hoormoneska, shaandhaynta dhiiga laga shaandhaynayo qashinka, macdanta oo dhiiga la kala baxayo, soo saarista kaadida, tirtirista suntan dhiiga soo raacda, iyo qaar kalo badan.

Hoos u dhac ku imaada shaqada kelyuhu qabtaan badana si fudud looma dareenmo sababtoo ah 20% kelyahaaga ayaa hawshoo jidhkaago dhan qaban kara. Waxay ka dhigantahay hadu kalyahaagu dhaawac ku imaado oo 20% kaliya ka shaqaynayo kelyahaaga hawsha jidhkaaga wu ku filnaan karaa. Markaa aad bay muhim u tahay inaad hada ka bilaabdid ilaalinta kelyahaaga si aanay dhib wayn mustaqbalka kaaga iman.

Faaido.com waxay idin soo ban dhigaysa 9 waxyaabood oo dhaawac gaadhsiin kara kelyahaaga. Ka faaidaysi wacan:

  1. Biyo kugu filan oo aanad cabin: shaqada ugu muhiimsan u kelyahaagu qabtaan waa shaandhaynta dhiiga laga shaandhaynayo waxyaabaha waxyeelada ku ah jidhka. Marka aanad cabin biyo kugu filan walxaha waxyeelada leh ayaa ku uruura kelyaha oo dabadeed jidhka ku keena dhibaato.

  2. Milixda oo ku badan cuntada: jidhkaaga wuu u baahi qaba milixda si uu shaqadiisa u qabto se laakin dadku waxaanay garanayn intu jidhku u baahi qabo oo way badsadaa taaso ku keenta inu dhiig karku kur u kaco. Taasi waxay kelyaha ku keenaysa inuu shaqo intiisa ka badan qabto. Maalintii qiyaas ahaan waxaad u baahantahay 5 gram oo milix ah oo kaliya.

  3. Kaadida oo laisku hayo: si joogta ah hadaad kaadida isku haysid maalin kasta waxaad kur u qaadaysa cadaadiska kaadida oo dhawac ku keenaysa kelyaha, iyo inay abuurmaan dhagaxa kellida.

  4. Sonkorta badan: waxa cilmi baadhis lagu helay in qofka maalintii laba sharaab ama cabitaanka sonkorta leh caba ama ka badsada inay kaadidoodu yeelato borotiin (protein) taaso calaamad u ah in kelyahaagu shaqadoodi si buuxda u qabanayn.

  5. Fitamiin yari: fitamiinada oo badana laga helo cunitaanka khudrada ayaa kaalin wayn ka qaata caafimaadka jidhka iyo caafimaadka kelyaha. Fiitamiinka B6 iyo magnesium ayaa kaalin wayn ka qaata yareenta dhagaxa kelyaha gala.

  6. Hilib cunitaanka badan: hilibka waxa ka buuxa borotiin (protein), markaad cuntid hilib badan waxa jidhkaaga ka buuxsamaya borotiinka. Borotiinka badan ayaa cadaadis badan ku keena kelyaha taaso keenayasa inay kelyuhu shaqadoodi in ka badan qabtaan.

  7. Hurdo yari: si uu jidhka bani aadanku si wanaagsan u shaqeeyo wuxu u baahi qaba nasasho ku filan. Hurdo yarida joogtada ah caafimaadkaaga dhibaato ayey ku keenaysa. Habeen kasta markaad seexatid kelyuhu dib ayu isu dayactiraa si uu maalinka kale shaqadiisa u guto.

  8. Cabitaanka bunka(kafeega): kafeega ama bunka waxa ku jira maadada loo yiqaano caffeine oo kor u qaada dhiig karka cadaadisna saarta kelyaha. Cabitaanka kafeega ee maalin kasta la cabayo oo joogtada ah ayaa kelyaha dhaawac gaadhsiiya.

  9. Cunitaanka daawoyinka madax xanuunka oo la badsado: dad badan ayaa daawoyinka madax xanuunka u cuna madaxoon aad u xanuunayn. Xasuusnow inu jidhku is daaweeyo oo la qabsiga jidkhu la qabsanayo daawoyinka dhibaato mooyaane wax kale u yeelan maayo. Daawoyinkani dhawaac wayn ayey gaadhsiiyaan kelyaha taaso caafimaadkaaga halis galinaysa.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com