Kolka aad rabto in aad abqaasho geed waa in aad hesho dhulkii. Mar labaadka waa in aad diyaarsato ooddii ama jaajuurkii aad kaga weegaari lahayd noolaha waxyeeli kara. Waa in aad u banneyso meel ay ka soo geli karaan falaadhaha qorraxdu. Sida oo kale ciddii ka warhayn lahayd iyana waa qodob meesha ku jira. Tabtaa waxa ka dhigan jaceylka. Jaceylku waa dareen laba qalbi si wadajir ah u beertaan. Waxa uu leeyahay wax korriya oo kobciya iyo wax wiiqa awooddiisa korriimeed.

1.Kalsoonida

Kalsoonidu waxa ay ka mid tahay qodobada ugu tunka weyn ee jaceylka labada qof ku taagan yahay. Kalsoonidu waxa ay xidhiidhka labada qof ugu jirtaa halka udubka iyo dhigtu ugu jiraan aqalka. Bal day hal-abuurakani sida uu inoogu sawiray:

“Aasaaska guurkiyo
Aqal waxa adkeeyoo
Udubada u taagaa
Ogow waa kalsoonida
Iyo unugga caashaqa”

Mar kale hal-abuurkani isna waxa uu inoo tilmaamayaa kalsoonida oo la waayaa in ay wiiqi karto xidhiidhka kalgacal ee labada ruux dhexyaal. Bal day:

‘’Hadduu gabo kaalintiisa
Kalsooni haddii la waayo
Ma koro caashaqu runtiiye
Ka baaji inuu nusqaamo’’

Kalsoonida ka sokow ballanta, is-aaminaada, dareen qaybsiga, kalgacal iyo naxariis isu muujintu waa waxyaabaha ugu mudan ee uu ku taagan yahay xidhiidhka labada qofi. Hal-abuur Cabdiraxmaan Haldhis oo si farshaxanaysan ugu maansooday waa tuu lahaa:

“Laba weelka caashaqa
Ku wadaaga meel qudha
Laba aan wad mooyee
Wacadkooda burin karin
Oo kalsooni waafiya
Waageertay kalidood
Ayaa wehel is diirsada
Waligood ahaadee
Wacdaraha jacayl dhaba
Waxa dhiga kuwii hela
Wadne laba dareen sida
Mid hadduu werwarayoo
Wiiqeen ayaamuhu
Ka kalena wareer bada.”

2.Naxariista, kalgacalka iyo ixtiraamida

Ma jirto wax uu bani’aadanku ka jecel yahay hadalka debecsan ee naxariista iyo kalgacalku ku ladhan yahay. Kolka ay nolosha lammaane joogtana iyadu way ka sii xag-jirtaa. Bal qiyaas qofkaaga oo aad dareen ahaan u tidhaahdo: “Adiga hortaa cid kale ma jeclaan. Hadda lafteedana qorshaha iguma jirto cid aan adiga ahayn jaceylkeedu”. Bal day hal-abuur Xaashi Ibraahim-saar oo dareenkaasi inoo suugaameyay:

“Hortaa ruux kale ma jaman
Ma jiro oo mana jeclaan
Jiidhkaygiyeey ma odhan
Haddana kuma talo jiroo
Jacayl aan adi ahayn
Ifkaba lama joogi karo.”

Waxa la sheegaa nin carbeed oo u muujinayay xaaskiisa jacaylka uu u hayo in laga hayay oo uu yidhi: “Haddii aan [xabiibti] lahaan lahaa kun qalbi kun jeer ayaa adiga ku jeclaan lahaa”. Waa dareen muujinaya wehelkaaga in aanad waxba ka hagran.

Hadduu kun ahaan lahaa
Qalbiga kaahaw shiddaa
Adaan keligaa runtii
Kalgacal aan kala go’ayn
Xubbii kuu huri lahaa. [braahin-Masxaf]

Naxariista iyo kalgacalka ka sokow u samafalka iyo caawinta wehelka noloshaadu waa mid waajib diiniya ah. Garab istaagga iyo dhiirrigelinta haweenaydu waa astaan ka mid ah sifooyinka lagu garto nin raggeedka geesiga ah. Hal-abuur Maxamed-Haykal Muxumed oo si aftahamo ku dheehan tahay inoogu tilmaamay waa tuu lahaa:

Wehelkayga noloshaay
Kolka wacadka diintiyo
Xaqa waalidiintiyo
Waxyi Eebbe laga tago
Wax kastoo la jecelyoo
Aadmiga la qara weyn
Adigaa ka sii wacan
Anigana wed mooyee
Weligay intaan jiro
Waxa igu wallaahiya
In aan ku wanaag falo!

Waa dareen aad u xeeldheer oo tilmaamaya jaceyl lala god galay. Waa dib u dhalasho labaad oo jaceyl. Ifkii waa layskala tegay. Bal day hal-abuur Maxamed Dhaaley:

“Dhawr jeer haddaan
Marka aan dhintaba
Dib u dhalan lahaa
Dhulka waxa ku nool
Adun baan dhabtii
Dhaayaha cishqiga
Kugu dheehan laa.”

3.Dabeecada

Dabeecadu waa qodobka labaad ee soo raaca kalsoonida. Waa tiirka labaad ee isku haya labada ruux ee nolosha lammaanaha ku ah. In qof ba dhiggiisa kale u soo bandhigo waa mid u raandhiis badan nolosha mustaqbal ee labada qof. Runtiina waa mid u sahli karta in ay nolosha inteeda kale isla fahmaan isla na jaan-qaadaan.

4.Axdiga, is-aaminaada iyo ballan isku dhawrka

Axdi iyo wacad kolka la soo hadal qaado calaf baa la xasuustaa. “Guurku waa calaf” waa ka mid ah khuraafaadka soomaalida qaarkood aaminsan yihiin. Qadarka Rabbi iyo qalinkiisa kolka laga yimaado labada qof iyaga ayaa dhisan kara dabar kasta oo isku haynaya. Geeridu waxa aan qabaa in ay tahay waxa kaliya ee kala kaxayn kara labada qof.

Laba wacad dhexyaaloo
Lillaahina u dhaartahay
Waxa dhantaala oo jira
Ballan ay dhigteenoo
Dhidbihiisu adagyiin
Dhimashay ku sheegeen. [Ibraahin-Masxaf]

Axdiga kolka laga yimaado is-aaminaadu iyana waa qodob kale oo aanu ka maarmin xidhiidhka labada qof. Aaminaadu waa aragtida togan ee qofku ka fisho dhiggiisa kale. Kolka aad niyadaada iyo qalbigaaga ka dhaadhiciso qofkani in uu yahay qofkaagii waa kuu noqon.

Xubbii laba waxaynu nahay
Is-aaminay oo Lillaahiya
Haddana laammaha cishqiga
Kalgacal aan kala lumeyn
Ku qoray laabtooda xalan
Lammaane in ay noqdaan
La’aantooduna u tahay
Hubaashii nolol la’aan
Midhka luxudkana la gala. [Ibraahin-Masxaf]

Duruufta nolosha oo adag iyo arkida qofkii aad rabtay in ay iskugu kaa kulmaan kolalka qaarkood waa wax dhaca. Waa abwaan Cabdi-Qays waxa uu inoo sawirayaa wiil la kulmay inantii uu jeclaan lahaa in ay nolosha lammaane ku noqdaan. Wiilka waayihiisa nololeed ayaa iska adag. Waxa uu ku duceysanayaa in uu Ilaahay cimriga u dheereeyo oo uu wadka ka raajiyo. Isla markaana Alle uga indhasaabo oo aanu ka barin ragga kale ee la gedaha ah inta uu nolosha meel fiican ugu sahan tegayo:

“Allow daa hayga dilin
Dadka [ragga] kale na hayga barin
Intaan deggeyo meel roon”

Dun isku xidhashadu dhaqan waayadii hore jirey ayuu ahaa. Se intii danbe ee la reer magaalobay laga tegay. Dun isku xidhashadu waa kolka inanta loo ogyahay hebel oo ina hebel ah. Waxa jira maro qoryo la geliyo lagana dhextaago beeraha iyo meelaha kale ee dalagga la beertaa ku yaalo. Waraabe-utaag in la yidhaa waa u maqlay. Haddaba, duntu waa iska waraabe-utaag oo kale, waana ka calaamadaysi ragga kale laga calaamadaystay.

Dadka Eebbe uumee
Dunida ba ku guud nool
Dugsi weheshigay ba
Midi aan u dooray
Dookhayga noqotee
“Duntu igaga kaa xidhan”
Waxa doob geyiga jira [Ibraahin-Masxaf]

5.Wada xidhiidhka hadaleed

Kala fogaanta labada qof u kala durugsan yihiin deegaan ahaan waa ka mid sababaha xoojiya xidhiidhkooda. Dareen isu soo xiis oo boholyow ku ladhan yahay ayaa badanka jira. Hal-abuur Cabdiraxmaan Haldhis waxa uu suugaan ahaan inoogu sawirayaa laba qof oo isjecel se qalfoof ahaan u kala durugsan. Waa wax dareenka jaceyl ku lammaane waxa ay ku duceysanayaan dhulka in uu Alle iskugu soo dhaweeyo una mideeyo:

“Isu dheerinaayoo
Kala dheerinaayeey
Dhulka yaa mideeyoo
Isku keen dhaweeyoo
Agtaadun i soo dhiga.”

Kolka ay labada qof kala fog yihiin waxa kaliya ee ay isku weheshadaan waa hadalkooda codadka naxariiseed ku ladhan yihiin. Bal day Hal-abuur Cabdirixiin Sidiiq – Heello:

“Waxay codsadaan dheguhu
Codkaaga in ay maqlaan.”

Qofka oo cuntada naca oo cuni waayaa waa xaaladaha nafsiga ah ee uu sababo jaceylku. Waa dareen durugsan oo farshaxan suugaaneysan. Bal day hal-abuur Amran-sharaf Xuseen:

“Eraygiisa kaliyaa
Oontaan liqaayiyo
Amateedka ii fura”

Aabbaha iyo hooyadu waa wehelka ugu fiican ee qofku helo. Bal sawiro qof ay halkaasi ugu jirto hadalka iyo codka wehelka noloshiisu:

Ereygaaga wacanee
Codku uu ku ladhan yahay
Qiimuu agtaydiyo
Uu ku leeyay maankoo
Sida aabbo-hooyuu
Wehel iigu yahay oo
Aadna waan u jecelee
Hayga goyn ilbidhiqsiyo
Gelin iyo ayaan qudha. [Ibraahin-Masxaf]


W/Q: Ibraahin Xuseen Daa’uud ‘Masxaf’

Muqdisho, Soomaaliya.

The post Kaabayaasha xidhiidhka jaceylka W/Q: Ibraahim Xuseen Daa’uud ‘Masxaf’ appeared first on Daryeel Magazine.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA