Kalkaaliye diyaaradeed ayaa waxa uu ku guulasytay in ii dalka Inaaraadka ka soo qaado maandooriyaha Heroin,balse nasiib darro kadib markii uu soo caga dhigtay dalka Britain ayaa waxa gacanta ku dhigay ciidamada Dalkaasi.

Maandooriyaha la qabtay.

Ninkani ayaa waxa uu shaqadiisaasi hore qadarin loogu hayay uu u adeegsaday in uu maandooriye soo saaro diyaarad kaasi oo laba dal u soo kala dhoofiyay.

Ninkan ayaa waxa uu Magaalada Dubai ka soo saaray Diyaarada Emrates Airlines 1kg oo ah maandooriyaha loo yaqaano Heroin,qiimaha lacageed ee maandooriyhaasi ayaa waxa la sheegay in uu ahaa 142,000 oo Dollar.

Ninkani ayaa waxa magiciisa ka yidhaahdaa Sohab Sadiq waxa aanay da’diisu tahay 30 jir waxa aanu u dhashay Dalka Britain.

Ninkaasi dhalinyarada ah waxa uu damcasanaa in uu maandooriyahaasi galiyo Magaalada Manchester ,waxa aanu ka faa’iidaystay shaqadiisii uu u hayay shirkada Emarates Airlines,waxa aanu ka hawl galayay qaybta ay raacaan ganacsatada iyo maalqabeenadu ,waxa aanu ka faaiidaystay in uu maandooriyahaasi soo saaro ,ciidamada amaanka ee dalka Britain ayaa gacanta ku dhigay wiilkaasi waxaana lagu xukumay xadhig muddo 8 sano ah .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA