Kambuyuutarkii Ugu Horeeyay Ee Shirkada Apple Samaysay 1976-Kii Oo Qiime Aad U Sareeya Lagu Kala Iibsaday

Waxa arbacadii todobaadkan suuqa xaraashka ee Magaalada New York lagu kala iibsaday, kambuyuutarkii ugu horeeyay, ee shirkada Apple Farsamayso, kaas oo la kala siistay lacag dhan, 905-dollar, sida warbaahinta dunidu tilmaamaysana waxa uu qiimahaasi noqonayaa kii ugu sareeyay ee abid lagu kala iibsado, qalab elegtaroonig ah oo shirkadi ku bilowday farsamadeeda.

Kaambuyuutarkan lagu kala iibsaday suuqa xaraashka alaabaha qiimaha leh ee qadiimka ah, ee magaalada New York ayaa ka mid ahaa, kontonkii kaambuyuutar ee ugu horeeyay, ee ay ku bilaabantay shirkada Apple, kuwaas oo aasaasayaashii shirkadaas, Steve Jobs iyo Saaxiibkii Wozniak ay gacantooda ku farsameeyeen, kana bilaabeen, geerash gawaadhida la dhigto oo ku yaala, guriga Steve Jobs sanadkii, 1976-dii.

Xarunta xaraashka New York ee alaabtan shirkada Apple iibsatay ayaa sheegtay in ay qalab kale, dhawaan xaraashi doonto, kuwaas oo ilaa bisha September ee soo socota shaqayn doona, waxaana qiimaha lagu xaraashayaa noqon doonaa, sadex boqol oo dollar ilaa shan boqol oo dollar inta u dhaxayso.

Shirkada Apple oo dhawaan ku dhawaaqday in rikoodhka iibka ee qalabka elegtarooniga ah, jabisay dunidana gaadhay heerkii ugu sareeyay, ayaa sanadkii 1976-dii ku bilaabantay, heer aad u hooseey, taas oo kontonkii kaambuyuutar ee ugu horeeyay, markii ay sameeyeen, ku iibshay hab qaabka haftada oo kale u eg, oo Steve Jobs iyo saaxiibkii Wozniak ay saaxiibadood guryahooda ugu geeyn jireen si ay u tijaabiyaan, ka dibna lacagta isaga soo bixiyaan.

Shirkada Apple ayaa suuqa si fiican u soo gashay, ka dib markii konton kaambuyuutar ay ka dalbatay shirkada elegtarooniga ee Paul Terrell, taas oo qandaraas ku siisay lacag dhan, 666.66 dollars.

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply