Khabiiro Reer Jaban Ah Oo Ikhtiraacay Kamarada Amarka Maskaxda Ku Shaqaynaysa

cKamaradan ayaa sida la sheegay duubaysa Rabitaanka Qofka Isticmaalaya In kasta oo samaynta Kamaradaha ee dunidu gaadhay heerkii ugu saraysay, muuqaal kasta iyo qaab walbana qofku wax ugu duuban karo, isaga oo waliba awood u in muuqaalada ugu tayada wanaagsan uu kamaradiisa ku duuban karo, haddana waxa ay dhamaantood yihiin kuwo gacanta laga maamulo ama meel durugsan laga kantaroolo.

Hasa yeeshee sida wakaaladaha wararku ku warameen, khabiiro u dhashay dalka Jaban ayaa markii ugu horaysay hindisay, kamarad maskaxda qofka amarka ka qaadanaysa, taas oo si deg deg ah iyadu isku duubaysa marka ay qofka dareenkiisa hesho.

Kamaradan oo lagu magacaabo, (Neurocam), ayaa ah mid ku shaqaynaysa awaamiirta Maskaxda ee qofka adeegsanaya, taas oo wixii uu maskaxdiisa ka doono u duubaysa.

c2Sida ay ku warantay jariirada Times ee dalka Britain ka soo baxda, kamaradani waa mid si toos ah ula shaqaynaysa rabitaanka qofka, gaar ahaan mawjadaha awaamiirta bixiya ee maskaxdiisa, waxaanay awood u leedahay in ay deg deg u rikoodh garayso sawirada qofku doonayo ama si gaar ah isha ugu qabto.

Kamarada loogu magac daray (Neurocam), waxa ay qofka uga baahan tahay in uu ku xidho madaxa ka dibna doorto, dhawr derajo oo kala duwan, oo ay farsamo ahaan qofka macluumaadka ugu duubayso, kuwaas oo suura gal ka dhigaya in qofku sawir ama muuqaal fidiyow ah uu duuban karo, isaga oo aan wax badhan ah qaban.

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply