Fanaanadda isla markaana haweenayda ka mid ah haweenka Xayaysiiya Dharka ee u dhalatay Dalka  Maraykanka ee Kim Kardishian ayaa waxa la sheegay in ay ku jirto maalmihii ugu xumaa ee soo mara .

Kim ayaa waxa baraha bulshada ku baahisay qoraal ay ku sheegtay in ay aad uga murugaysantahay Wiil yar oo ay dhashay oo xanuunsanaya.

Wiilka yar ee ay dhashay Kim ayaa waxa uu dhakhtar ku jiraa muddo saddex maalmood ah isla markaana waxa ay sheegtay in xanuunka hayaa uu yahay Infection kaga dhacay sambabada ,Kim ayaa waxa ay sheegtay in arrintaasi ay aad u warwar galisay isla markaana maalmahani ay yihiin kuwii ugu xumaa ee soo mara noolosheeda.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA