Kiniinka Aspirine Ayaa La Ogaaday Inuu Ka Hor Tago Kansarka

Cilmi baadhis la waday mudooyinkii u danbeeyey ayaa natiijadii ka soo baxday waxay noqotay in la ogaado isticmaalka kiniinka Aspirine in uu joojin karo cudurka Kansarka.

Khuburadan ayaa waxa ay tijaabadooda ka fuliyeen dalka Britain, waxayna ku fuliyeen tijaabadooda 11-kun oo bukaan kuwaas oo laga daawaynayo ama goor dhow dhamaystay daawaynta Kansarka ugu badan.
Waxayna daraasadu qaadatay mudo Shan sanno ah iyadoo ay bukaanku isugu jireen kuwa qaata 300 oo miligaram oo aspirin maalin walba, halka kuwa kalena ay ahaayeen kuwa qaata 100 miligaram oo aspirin ah waxaana ugu danbeyntii natiijadu soo saartay amaba la ogaaday in kaniiiniga loo yaqaano aspirinka uu ka hortag u noqonkaro in uu soo laabto cudurka Kansarka.

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com