Kooxda Daish (ISIS) Ee Dalka Suuriya Oo Mamnuucday Kabaha Cidhibta Dhaadheer Ee Haweenka

201407311244174(1)Kooxda Imaarada Islaamiga ah ee Shaam iyo Iraq ee (Daisha ma ISIS), magacooda loo soo gaabiyo, ayaa amar cusub oo ay soo saartay, si rasmi ah u mamnuucday kabaha cidhibta dhaadheer ee haweenku ku labistaan.

Bayaan kooxdaasi soo saartay oo nuqul ka mid ah wakaalada wararka Jarmalku heshay, ayaa lagu sheegay in Imaarada Islaamiga ah ee Sham iyo iyo Iraq iyadoo fulinaysa amarka Alle iyo ku dhaqanka shareecada diinta Islaamka ay mamnuucday, xidhashada iyo iibinta kabaha cidhibta dhaadheer ee haweenku ku labistaan.

Bayaankan ayaa lagu xusay in ujeedada loo mamnuucay kabaha cidhibta dhaadheeri la xidhiidho, ka hor taga fidmo ka dhalan karta, cawrada haweenka ee indhaha dhalinyarada soo jiidan kara, taas oo horseedi karta fidmo iyo xumaan bulshada ku dhex faafta.

BnNWQrYCUAAWExQ(1)

Qoraalkan ay kooxda ISIS soo saartay waxa lagu sheegay in cidii ku dhaqmi wayda ee u hogaansami wayda amarkaas, laga qaadi doono talaabo adag, laguna fulin doono xukun kulul oo uu farta dhexda ka qaniini doono.

Amarkan lagu mamnuucayo kabaha cidhibta dhaadheer ee haweenka ayaa ka danbeeyay, mid ka horeeyay oo kooxdaasi dhamaan haweenka ku nool dhulka ay ka taliyaan ee dalka Suuriya ku soo rogeen, kaas oo amar kaga dhigay in ay xidhaan, xijaab, madaxa daboolaan, indho shareerna qaataan oo xitaa indhaha aanay banayn Karin haweenku.

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply