Kooxda Real Madrid Oo Laga Saaray Tartanka Copa Del Rey.

Kooxda taageerayaasha badan ee Real Madrid ayaa waxa laga saaray ciyaarista tartanka  koobka Boqortooyada ee dalka Spain ee Copa Del Ray kadib markii ay xalay ciyaarsiisay ciyaaryahanka Cheryshev isla markaana uu keenay mid kamida goolashii ay xalay la yimaadeen.

Cheryshev oo sanadkii hore kooxda Villarreal amaah ku qaadatay ayaa waxa laga mamnuucay ciyaaraha Capa del Rey. Kadib markii la siiyey saddex kaadh la siiyey waxaanay ahayd inaanu u ciyaarin kooxdan xalay.

Real Madrid ayaa waxa la sheegayaa inay ka badheedhay arinkan.

Xidhiidhka kubadda cagta waddanka Spain ayaa la filayaa in kooxda Cadiz ay u gudbiso cabasho rasmi ah oo la xidhiidha in Real Madrid ay jebisay sharciga, waxaana taas lagaga jawaabi doonaa in gebi ahaanba Real Madrid tartanka laga saaro.

Arrintan oo kale ayaa waxay isla xili ciyaareedkan ugu dhacday Osasuna oo kulan ay la ciyaaraysay Mirandes ku dartay ciyaartoy sidan oo kale ah, waxaana si toos ah looga saaray tartankan.

Dhacadan ayaa waxay noqotay mid laga maadsado baraha bulshada, gaar ahaan warbaahinta dhinaca Barcelona taageerta ayaa soo dhigtay warar iyo sawirro qosol leh.

Difaaca Barcelona ee Gerard Pique ayaa markii uu warkani soo baxay waxa uu bartiisa bulshada ku baahiyey sawirro qosol huwan iyo maadaysi.

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com