Kooxda Xidigaha Geeska Oo Soo Af-Jartay Khilaafkii Dhex Taagnaa Go’aan Adagna Kasoo Saartay BK

fiidnimadii caawa shir ay qabteen xubnaha maamulka cusub ee  Kooxda Xiddigaha Geeska ayaa soo af jaray gabi ahaanba khilaafkii in dhawaale dhaxyaalay kaas oo ku saabsanaa laba arimood oo kala ah xilka qaadistii maamulkii hore iyo kasii mid ahaanshaha Xubinimada fanaanka BK oo maamulkii hore uu kooxda ka saaray. hadaba war murtiyeed kasoo baxay kooxda xidigaha geeska ayaa lagu soo saaray go’aan cusub oo ka dhan ah BK iyadoo sidoo kale lagu soo afjaray khilaafkii iyo tabashooyinkii kala dhex yaalay kooxda.

War murtiyeedkan ayaana u dhignaa sidan;

Date 17.May.2016

War-murtiyeed ka soo Baxay Kooxda Xiddigaha Geeska
Maalmihii u dambeeyay waxaa jiray khilaaf kooban ka dhex taagnaa xubno ka tirsan Kooxda Xiddigaha Geeska,kaasoo ka dhashay Xeer=jebin ay ku kaceen xubnaha qaarkood, qodobada khilaafka abuuray waxay ku soo urureen laba qodob oo kala ah
1, Xil-ka-qaadistii Maamulkii hore iyo Xubinnimadii Maxamed Bk ee maamulka hore ka saareen kooxda.
Sidaas daraadeed, Maadaama Kooxdu leedahay sharci iyo Xeer-hoosaad waxaa laysugu yimi shir ay kooxdu u dhantahay oo lagu faaqiday khilaafka arrimahaas ka dhashay. Waxaanay kooxdu ka soosaartay War-murtiyeedkan oo ay ku saxeexanyihiin Boodhka Kooxda Xiddigaha Geeska.
War-murtiyeedkaas oo dhammaystirana waxaa uu u dhignaa sidan;
“Waxa soo gabagaboobay khilaaf kooban oo soo kala dhex galay kooxda xiddigaha geeska kaasoo ku saabsanaa afkaar iyo aragtiyo kala duwan oo laysku diidnaa, sidaa darteed maamuulkii hore ee xidgaha geesku waxa uu ka qaaday fanaanka Maxamed Siciid Cabdi Bk xubinnimadii uu kaga midka ahaa kooxda Xidgaha Geeska ka dib markii uu baal maray shuruucdiiiyo nidaamkii u yaalay kooxda.
Waxaana intaasi ka dib Boodhka Kooxda ayaa loo xilsaaray in ay soo baadhaan demiga uu kooxda galay fanaanka maxamed siciid cabdi waxaana yagoo baadhitaankii ku jira ay gaadhay mudadii shirweynaha kooxda xidigaha geeska taasoo lagu badalay maamulkii hore waxaana maamulka cusubi ay sii amba qaadeen baadhitaankii ku socday fanaankamaxamed siciid cabdi bk kuwaasoo gabagabdii shir manta ka dhacay xarunta xidgaha geeska ee Hargaysa ay kusoo saareen natiijadii kazoo baxday baadhitaankii lagu waday maxamed siciid cabdi bk waxaanay gudidu ay sheegty in maxamed siciid cabdi uu gabi ahaan baalmaray sharuucdii u taalay kooxda sidaana uu ku waayay xubinimadii uu kaga midka ahaa kooxda xidigaha geeska.
Maamulka cusub ee kooxda waxay qaateen go aanka ay soo saareen lixda xubnood ee gudiida ama {bord} ka kooxda xidgaha soo saareen.
1 axmed wali ibraahim maxamuud {furinle}
2 maxamed miyir Xaaji
3 Sidiiq Maxamed Burmad
4 Cabdirisaaq Xaamud Caydiid Jaylaani
5 Sidiiq Maxamuud Gahayr
6 Maxamed Siciid Cabdilaahi {xarago}
Allaamahad leh

Faalo Ka Dhiibo

comments