Kufsi Wadareedkii Ugu Caansana Dunida Sanadkuu Dhacay Iyo Dalka Uu Ka Dhacay!

Kufsigu waxa uu hubaal ah in uu ka mid yahay dhubaatooyinka ugu waawayn ee dhaawaca Karaamada iyo Sharafta qofka dumarka ah laakiin waxa xaqiiqo ah in dad badan oo inaga mid ahi aanay wali maqal Kufsigi wadareedkii ugu caansanaa ee Dunida soo maray .

Sanadkii 1945kii waxa dalka Germany ka dhacay kufsi wadareedkii ugu Caansanaa ee ka dhaca Caalamka,ciidamadii midawgi soofyeeti ayaa waxa ay galeen dalkaasi waxa aanay kufsadeen Dumar aad u tira badan oo Dalkaasi u dhashay sida lagu baahiyay Wakaalada wararka ee Alarabia.

Galitaankii midawga Soofyeeti ayaa soo galeen Dalkaasi Germany ayaa waxa ay ku soo beegantay xili raggii u dhashay Dalkaasi ay ku maqnaayeen jiidihii hore ee dagaalkaasi waxa aanay magaalooyinka Dalkaasi ahaayeen kuwa ka madhan ragga isla markaana waxaa magaalooyinka dalkaasi aad uga dhex muuqday haweenka .

Kadib markii ay ciidmadii midawgii Soofyeeti soo galeen Dalkaasi waxa ay la kulmeen magaalooyinkii oo raggi ka maqanyihii ciidmadii midawgii soofyeeti kamay laba lugoodin in ay haweenayda iska caabisa qudha ka jaraan waxaana halkaasi ka dhacay kufsi wadareedkii ugu caansanaa taariikhda Dunida .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com