Hawraar (Kuwait) Nin u dhashay Dalka Kuwait ayaa waxa uu ku kacay arrin aad u fool xun ,ninkani ayaa waxa uu qudha ka jaray Xaaskiisii oo uur lahayd .

 

 

Ninkan xaaskiisa uu dilay ayaa waxa ay u dhalatay Dalka Sucuudiga waxa aanay da’deedu ahayd 22 jir .

Wargeyska Qabas ee ka soo baxa Dalkaasi ayaa waxa lagu sheegay in ninkani xaaskiisa dilay uu isku dhiibay ciidamada amaanka intaasi kadib ay si degdeg ah u gaadheen goobtii uu falku ka dhacay,intaasi kadib ayaa waxa ay gabadhii kula soo carareen Dhakhtarki balse nasiib darro waxa ay geeriyootay markii dhakhtarka la soo gaadhsiiyay.

Ciidamada amaanka ayaa waxa ay sidoo kale sheegeen in ninkaasi uu dhashay sanadkii 1989kii isla markaana haatan la waddo baadhitaano lagu ogaanayo sababta keentay in uu xaaskiisa oo xaamilo ah qudha uga jaray.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA