Laba gabdhood oo da’oodu kala tahay 11 jir iyo 10 jir ayaa waxa ay qoyskooda ka biiliyaan kallunka ay soo kallumaystaan.

Labadan gabdhood ee yaryar ayaa waxa ay ku noolyihiin Tuulada Najac Xamuuda ee Gobolka Sohaj ee Dalkaasi Masar waxa aanay 600 km u jirtaa Magaala madaxda Dalkaasi ee Qaahira.

Labadani gabdhood waxa magacyadooda la kala yidhaa Muna iyo Yaasmiin ayaa waxa ay leeyihiin laash yar kaasi oo ay subaxa hore galaan wabiga niilka halkaasi oo ay ka soo kallumaystaan ,kallunka ay soo kallumaystaan ayaa waxa ay ku iibiyaan suuqa lacagta ka soo baxdana waxa ay ku qiidiyaan qoyskooda oo tira badan .

Intaasi kadib waxa ay galinka dambe tagaab dugsi ay wax ka bartaan ,aabaha dhalay labadani gabdhood ayaa waxa uu ahaa kallymayste balse waa uu xanuusaday,Muna iyo Yaasmiin ayaa intaasi kadib waxa ay la wareegeen laashkii aabahood ku kallumaysan jiray waxa aanay ku dedaalaan in ay qoyskooda u soo shaqeeyaan kana quudiyaan kallunkaasi ay soo kallumaystaan.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA