Lady Gaga Oo Soo Dhawayn Diiranayd Ee Ay Dubai Kala Kulantay Ka Dib Sheegtay Inay Ixtiraamayso Diinta Islaamka Iyo Dhaqanka Imaaraatka

Fanaanada caalamiga ah ee Lady Gaga ayaa soo gaadhay Magaalada Dubai ee dalka Isu Taga Imaaratka Carabta, halkaas oo ay ka dhigi doonto Bandhig faneedkeedi ugu horeeyay ee ay abid ka qabato dal ku yaala bariga dhexe.

Lady Gaga oo wakhtiyadii 10660147_446218188849338_35173662684407201_nu danbaysay ku jirtay socdaal muusigeeda ah oo ay dunida ku marayso, looguna magac daray, “ArtRAVE:ArtPOP Ball” waxa ay hore bandhigyo muusig ugu soo qabatay Faransiiska, Ingiriiska iyo meelo kale.

Markii ay fanaanadani ka soo degtay Madaarka Magaalada Du

bai ayaa waxa si diiran u soo dhaweeyay, boqolaal taageerayaasheeda ka mid ah, kuwaas oo u safnaa banaanka hore ee Madaarka barxad ku taala si wayna isula oogsaday markii ay soo gaadhay.

Si deg deg ayay gabadhan oo aad qiiraysani ugu degtay taageerayaasheeda, kuwaas oo ay siisay wakhti badan, waxa ay ka ogolaatay inay la galaan sawiro xusuus ah, waxa kale oo ay tobanaan ka mid ah u saxeexday garamadooda iyo wixii ay siteen.

LADYGAGA3

Lady Gaga oo had iyo jeer la arko iyadoo aan si fiican u asturnayn ayaa ku labisnayd toob ay toshay, gabadh dharka xidigaha tolistooda aad u taqaana oo dalka Imaaratka u dhalatay, kaas oo asturnaan xiga marka loo eego dharkii hore ay ugu labisan jirtay gabadhani.

BxFIynyCAAAPhRd(1)Mar la waydiiyay xafladeeda iyo waxa ay ku talo jirto ayay sheegtay, in wax badani iska badali doonaan, sababtoo ah ayay tidhi waxaan imi waddan muslim ah, markaa waan ixtiraami doonaa, dhaqanka iyo diinta dadka reer Imaaraat ayay tidhi Lady Gaga.

Caawa ayaa sida la filayo ay xafladeedi ugu horaysay ku qaban doontaa masrax si wayn looga sii shaqaynayay muddooyinkii u danbeyay oo ku yaala magaalada Dubai, halkaas oo dad badani tigidhada hore ugu ii goosteen kun daawan doonaan.

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply