Huteelka Cuntada ee Caanka ka ah Guud ahaan Caalamka  laga wada yaqaano ee marka magiciisa la soo gaabiyo loo yaqaano KFC  gaar ahaan laamihiisa ku yaala Dalka Britain isla markaana ku caan baxay samaynta digaaga noocyadiisa kala duwan ayaa albaabada loo laabay.

Sida lagu baahiyay shabakada wararka ee The Indepedent ayaa waxa ay baahisay in sababta loo xidhay Laamaha Hudheelkaasi KFC ee ku yaala Dalka Britain ay tahay Digaaga oo yaraaday amase la waayay .

Macaamiisha KFC ayaa waxa loogu qoray albaabada laamahaasi in shaqada la joojiyay isla markaana muddo aan dheerayn dib loo furi doono .

Afhayeen u hadlay KFC ayaa waxa uu sheegay in ay dhibaato ka soo gaadhay digaaga loo keeno ee laga keeno dalalka shisheeya isla markaana ay xalinayaan dhibaatadaasi waana sababta keentay in aan yara hakino shaqadayada .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargieaa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA