Haweenay u dhalatay Dalka Masar ayaa waxa ay dacwad maxkamadeed ku qaaday saygeeda kaasi oo ay rabto in ay is furaan.

Bisad

Haweenaydan oo magaceeda la yidhaahdo Huda ayaa waxa ay sheegtay in muddo 6 sano ah is qabeen saygeeda oo magiciisa la yidhaahdo Cabdalla ,Huda ayaa waxa ka mid ahaa hadaladeeda ” Cabdalla waxa aan is guursanay 6 sano ka hor aad ayaanu isku jeclayn runtiina jacaylka aan isku qabnay awoogii ayaan isku guursanay,farxad ayaanu ku wada noolaan jirnay balse farxadaasi murugo ayay isku badashay kadib markii uu Cabdalla diiday in aan shimraha oo aan aad y jecelahay aan dhaqdo ,ma ogola in aan gurigayaga ku cuno hilibka shimbiraha waxa aanu ii sheegay in uu xasaasiyad ka qabo “.

Huda oo hadalkeeda sii wada ayaa waxa ay tidhi”aad ayaan u jecelahay in aan xawayaanada yaryar xanaaneeyo,laakiin waxa naxdin igu noqotay in uu Cabdalla xataa bisadaha hadhasada gurigayaga uu Baabuurkiisa jiidhsiiyo arrintaasi waxa ii sheegay waashmaanka gurigayaga markii aan waydiiyayna sababta uu sidaasi u sameeyayna isaga oo aan wax jawaab ah i siin ayuu gacan ii qaaday oo uu i dilay waxa aanu iga jabiyay gacanta ,markii aan ka codsaday in uu i furina waxa uu iigu hanjabay in uu qudha iga jari doono”.

Huda ayaa intaasi kadib waxa ay qaadatay caruurteeda waxa aanay dacwad maxkamdeed ku soo oogtay saygeeda ,dacwdaasi oo ay ku codsanaysay in uu furo.

Dacwada Huda iyo Cabdala ayaa waxa ay ka bilaabmatay maxkamada Al-sanaaniiri sanadkii hore ee 2017kii ,waxa aanay Huda sheegtay in dacwadaasi ay ilaa iyo haatab socoto kana rajo qabto in ay maxkamadu u xukunto furninkaasi ay codsatay.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA