Lamaane Maraykan Ah Oo Noloshoodu Ku Dhamaatay Qaab La Mid Ah Qisadii Filimkii Notebook

Lamaane u dhashay dalka Maraykanka oo muddo lixdan sanadood ah is qabay, sida ehelkooda iyo dadkii ay asxaabta ahaayeena sheegeen, aad isku jeclaa ayaa habka dhimashadoodu uu noqday mid si wayn warbaahinta dalka Maraykanku u qaadaa dhigtay, ilaa heer la gaadhsiiyay in lagu tilmaamo mid sidii filimkii Notebook oo kale u dhamaatay.

Muuqaalkii Filimkii netbook-560

Lamaanahan oo lagu kala magacaabi jiray, Don Simpsom iyo Maxine Simpsom waxa ay wada dhinteen maalin qudha, waxaanay wada noolaayeen muddo lixdan sanadood ah, xalaada dhimashadooda ayaa la mid noqonaysa qaabkii uu ku dhamaanayay filimkaas dadku dib u soo xasuusteen ee Notebook, oo isagu ka mid ahaa filimadii sanadkii 2004-tii loogu daawashada badnaa sida wayna u soo jiitay dunida.

 

Qisada filimkaas ayaa ku saabsanayd lamaane dhalinyaro ah oo isku jeclaaday dalka Maraykanka, wakhti hore, kuwaas oo dhibaato badanka dib ku guulaystay inay dhisaan reer iyo jacayl nololeed ugu danbayntana meel qudha ku wada dhimanaya.

muuqaalka qoyskii matalay filimkii Notebook

Lamaanahan ayaa sida warbaahintu ku warantay iyaguna isku mar qudha iyo maalin kaliya wada dhintay, waxaanay dadku markiiba soo xasuusteen filimkaas oo qalbigooda ku jiray, laakiin dadka u ehelka ah qoyskan iyo dadkii ay is yaqaaneen ayaa iyagu rumaysan in nolosha lamaanahani ay ka turjumaysay mid run ah iyo jacayl dhabb ah, halka sheekada kale ee Filimka Notebook ka ahayd mid la mala awaalay.

netbook-560-1

Lamaanahan ayaa la sheegay in muddo afartan sanadood ah ay is qabeen iskuna dhaleen laba carruur ah kuwaas oo iyaguna sii tafiirmay, waxaanay wakhtigaas dheer ku wada noolaayeen meel qudha halka ugu danbayntiina qabri qudha lagu wada riday.

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply