Layaabka Dunida: Haweenay Mirasho Iyadoo Huruda Ku Cunta Raashin Sadex Jeer Ka Badan Ka Marka Ay Soo Jeedo

Haweenay u dhalatay dalka Maraykanka ayaa xaaladeeda nololeed iyo mir la kac aan caadi ahayn oo habeenkii ay ku dhaqaaqaysaa ka yaabiyay isla markaana xayiray caqli khabiirada caafimaadka ee dunida, ka dib markii ay cadaatay in haweenaydani marka ay seexado iyadoo dhagta ku jirta u kacaysaa mirashada cuntada oo waliba ay qiyaas aan caadi ahayn ka cunaysa taas oo lagu qiyaasay inay halkii mar gaadhsiisan tahay, 2500 Kcal.

l57

Haweenaydan oo lagu magacaabo, Leslie Cusack ayaa sida jariirada Daily Mail ee ka soo baxda dalka Ingiriisku ku warantay, waxa ay saqdha dhexe iyada oo dhagta ku jirta, ay u kacaysaa mirashada cuntada iyada oo wax kasta oo ka soo hor baxa cunta.

Sida ay jariirada u sheegtay haweenaydani, waxa marka ay subaxdii toosto aragtaa, tobanaan shay oo ay xalay iyadoo hurada cuntay, kuwaas oo sida ay ku cuntay iyo sida ay u faaruqisay midna aanay waxba kala socon.

Leslie Cusack iyada oo ka hadlaysa sida ay xaaladani ugu bilaabantay ayay sheegtay in ay tahay mid aanay waxba kala socon, balse sida muuqata ay saq badhka marka ay l38hurdada ugu macaan ku jirto, kacayso, ka dibna tagayso talaagada ay cuntada ku ridato, halkaas oo mirasho ay gab ugu joogsanayso wax kasta oo gacanteedu gaadho.

Mar ay ka hadlaysay sida ay cuntooyinka u kala saarto, ayay sheegtay in aanay waxba kala socon, oo mararka qaarkood cunto waxyaabo aan munaasib ahayn in qofku cuni karo, sida Vaseline iyo burushyada wax lagu maydho, taas oo sii cadaynaysa sida aanay dareen ahaan waxba ugala socon cuntada ay cunayso iyo mirashadeeda habeenkii.

Leslie ayaa aad uga murugaysan xaaladeeda sababtoo ah waxa ay marar kala duwan iyada oo huruda cuntay, taydh iyo waxyaabo kale oo sun ah, kuwaas oo halis galin kara nafteeda, waxaanay tilmaantay in meel halis ah ay marayso arrinteedu cid wax uga qaban kartaana aanay jirin.

Dhakhaatiirta iyo khabiirada qaab nololeedka dadka ayaa aad uga war warsan xaalada gabadhan oo ah mid aan nooceedu soo marin wali, waxaanay garan kari laayihiin, sababta ay haweenaydani uga kacayso sariirteeda ee ay toos ugu abaarayso goobta cuntadu taalo, waxaanay marar kala duwan tilmaameen in khalad caafimaad oo bayoolajikal ahaan ku dhacay sabab u tahay, laakiin cadayn buuxda ilaa wali kamay bixin sababta dhabbta ah.

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply