Laba wiil oo walaal ah ayaa waxa ay muddo 25 Sano ah ku dhex xidhanyihiin  qol ku yaala gurigooda .

Labadan wiil ayaa waxa ay arrintaasi ku dhacday Kadib markii ay hooyadood geeriyootay 25 sano ka hor,qoyska ay labadaasi wiil ka soo jeedaan ayaa waxa ay ka koobanyihiin saddex wiil iyo gabadh isla markaana labadooda waalid ba waa ay geeriyoodeen.

Labadan wiil oo u dhashay Dalkaasi Lubnaan ayaa waxa la sheegay in kadib markii ay hooyadood geeriyootay 25 sano ka hor uu walaalkood oo ka wayni isla markaana maskaxda ka bukaa uu ku dhex xidhay gurigooda ilaa iyo haatana ay ku xidhanyihiin .

Dadka ay jaarka yihiin ayaa waxa ay sheegeen Walaalkooda wayn ee Makaxda ka bukaa uu qol gaar ah ku xidhay isla markaana aanu maranaba u ogolaanin dadka Magaalada Dayca ee Dalkaasi Lubnaan kula nool in ay arkaan amase waraysi ka qaadaan ,haweenay ka mid ah dadka ay dariska yihiin ayaa waxa ay sheegtay in markii labadaasi wiil ay hooyadood geeriyootay ee aqalka lagu xidhay ay ‘da’deedu ahayd 2 sano haatana ay da’deedu tahay 27 jir .

Si kastaba ha ahaatee xaalada ay labadaasi wiil ku suganyihiin ayaan waxba laga ogaan karin maadama oo uu walaakoodaasi ka wayni hor taaganyahay cid kasta oo isku dayda in ay soo xog waraystaan .

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA