Da yarta qaar ayaa waxa ay ku kacaan falal aad u fool xun kuwaasi oo cawaaqibta ka dhalata ay noqonayaan kuwa aan waligood ka daba hadhin qofka ku kaca amase gaysta.

Dalka Lubnaan ayaa waxa ka dhacday dhacdo aad u fool xun taasi oo gilgishay quluubta dadka damiirka leg ee dalkaasi ku dhaqan,dhacdadan ayaa waxa ay tahay in wiil da yar ah oo u dhashay dalkaasi uu qudha ka jaray aabihii isla markaana uu ku gawracay mindi kadib markii uu ka waayay lacag uu waydiistay .

Ciidamada dambi badhista ee dalkaasi Lubnaan ayaa waxa ay tageen goobtii uu ka dhacay falkaasi oo magaceeda la yidhaahdo Balxas .

Ciidamada dambi baadhista dalkaasi ayaa kadib markii ay maydkaasi ay gacanta ku soo dhigeen ayaa waxa ay u kuur galeen sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen dhagar qabihii falkaasi gaystay waxa aanay muddo 48 saacadood ah ku ogaadeen qofkii falkaasi gaystay waxa aanu noqday wiil uu dhalay ninkaasi maydkiisa la helay ,waxa aanu wiilkaasi qirtay in uu aabiho dilay kadib markii uu u diiday lacag uu waydiistay.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA