Warar hordhac ah oo la helayey ayaa sheegayey inuu Akshaye Khanna doorka Sunil Dutt ku sameyn doono filimka looga hadlayo taariikhda halyeeyga shirkadda aflaanta dalka India ee Bollywood Sanjay Dutt.

Filimkaas ayaa waxaa hogaamiye ka noqon doona Ranbir Kapoor. Si kastaba ha ahaatee, wararka kasoo baxaya India ayaa sheegaya in uusan Akshaye ka qeyb noqon doonin filimkaan sidaas darteed waxaa doorkaan ka bedeli doona halyeeyga lagu magacaabo Paresh Rawal (Oosabuuke) kaasoo ku matali doona magaca Dutt Saab.

Director Rajkumar Hirani ayaa daaha ka qaaday in duubista filimkaan la bilaabay Axadii. Si weyn ayaana loo sugayaa filimkaan ka hadlaya taariikh nololeedka Sanjay Dutt.

Afhayeen u hadlay kooxda filimkaan ayaa daaha ka qaaday inuu Paresh doorkaan ku yeelan doono filimkaan. Filimka ka hadlaya taariikhda Sanjay Dutt ayaa waxaa sidoo kale kasoo muuqan doona Vicky Kaushal, Sonam Kapoor iyo Anushka Sharma.

Waxaana filimkaan tiyaatarrada la saari doonaa bisha Jan ee Horaanta sannadkaan.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA